ereyga

oogada dhulka

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Oogada dhulka

DHAN

Earth's crust, Lithosphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

alluumiiniyam

DHAABAN

m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cadaadis-gibileed

DHAABAN
1

cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.

2

cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

carrojiif

DHAABAN

m.l (jooloji) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ceel

DHAABAN
1

ceel¹: m.l (-lal, m.l) God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iyo wixi lamida.

2

ceel²: m.l (-lal, m.l) (jooloji) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cuf-isjiidad

DHAABAN
1

cuf-isjiidad¹: m.dh Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.

2

cuf-isjiidad²: m.dh (fiisikis) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabayl

DHAABAN
1

dabayl¹: m.dh (-lo, m.l) 1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. la-mid: dabeyl.

2

dabayl²: m.dh (-lo, m.l) (c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhadhaab-lakabeed

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhul-duniyeed

DHAABAN

m.l (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhulgariir

DHAABAN
1

dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.

2

dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jooloji) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

folkaano

DHAABAN

m.dh (-ooyin, m.l) (jooloji) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gibil-biyood

DHAABAN

m.l (jooloji) Dhammaan biyaha dunida, kuwaas oo ka soocan oogada dhulka, iyo gibilka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

godan-weyn

DHAABAN

m.dh (juqraafi) Dooxo ballaaran oo ku dhacda oogada dhulka. Dooxadaasi waxay fidsantahay fogaansho gaaraysa dhawr boqol oo mayl.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jiyoofisiko

DHAABAN

m.dh Barashada dariiqadaha fisikeed ee la xiriira dhismaha dhulka. Barashadaasi waa mid la xiriirta oogada dhulka, gibilka, iyo biyooleyda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

karaar-cufisjiidad

DHAABAN

m.l (fiisikis) Summad: g. Karaarka ay la kulanto walax iskeed ugu soo dhex dhacda badada cufisjiidadka dhulka. Tijabo ahaan, karaarka cufis-jiidadku, ugu dhawaan, waa madoorsoome marka loo eego oogada dhulka, waana ka xor dabeecada iyo samayska walaxda soo dhacaysa (taas oo aan la tixgelin ca-daadiska hawada).Tani waxa ay xaqiijisaa saamigalnimada culeyska walax-da iyo cufka walaxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laab

DHAABAN
1

laab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq.

2

laab²: m.l (-bab, m.l) (jooloji) Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.

3

laab³: m.dh 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.

4

laab⁴: f.g1 (-bay, -btay) Maro, bir, warqad iyo wixi lamida dacalladeeda isku soo celin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nololey

DHAABAN

m.dh Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolaan karto, amase, ay nafleydu ku nooshahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qarradh

DHAABAN

m.l (-dho, m.l) (juqraafi) Kala jab ku dhaca oogada dhulka kaas oo uu la socdo dhaqaaq, islamarkaas lakabyada dhadhaabada qarradhka labadiisa dhinac ah iskuma sargo'na. Inkasta oo uu dhaqaaqu badanaa yahay mid atoma, haddana waxaa dhici karta qarradhku inuu jiho kasta aato oo ay ku jirto tan jiifku.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

siima

DHAABAN

m.l (jooloji) Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

siyaal

DHAABAN

m.l (jooloji) Ereyga loo isticmaalay si loogu garto dhadhaabaha khafiifka ah oogada dhulka, oo uu ka mid yahay garanaytka qaaradaha hoostooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tamar-keyd

DHAABAN

m.dh (fiisikis) Summad: Ep. Tamarta ku keydsantay walax, uguna wacantahay meesha ay taalo, waxaana ay le'egtahay hawsha ku baxday walax ka dhaqaajinta bar beegaal (sida oogada dhulka) ilaa meesha ay hadda taallo. Waxaa lagu helaa Ep = mgh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Da'da dhulka

DHAFANDHAAF

Age of earth

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

looxa dhulka

DHAFANDHAAF

floor board

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoogga dalka

DHAFANDHAAF

m. n. armed forces, army

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Da'aynta dhulka

DHAFANDHAAF

Geochronology

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cilmiga dhulka

DHAFANDHAAF

Earth science

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xudunta dhulka

DHAFANDHAAF

Core of earth

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Madax dhul

DHAFANDHAAF

Headland

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tirada dadka

DHAFANDHAAF

m.l (-oyin, ml.) 1. Ikoolajii ahaan, koox isku sinji ah oo meel ku wada nool. 2. Tirada wadarta sinjiyo ama bah kale oo noole ah oo ku nool meel la yaqaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Tirada dadka

DHAFANDHAAF

Population

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xoogga_dalka

DHAFANDHAAF
1

de: armed forces, army

2

initial: x

3

lx: xoogga dalka

4

ps: np-m

5

key: xoogga_dalka

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cabbirka dhulka

DHAFANDHAAF

Geodesy

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Joogtaxa foolta

DHAFANDHAAF

Volta pile

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kooxaha dhiigga

DHAFANDHAAF

m.l (baayoloji) Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar ka mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kooxaha dhiigga

DHAFANDHAAF
1

m.l (baay.) Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar ka mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.

2

koox-amayno m.l (-xo ..., m.l) (kiim.) Iskudhis leh kooxda - NH -halkaas oo atamka naytarojiin aanu ku dheggeneyn kooxo kaarbonayt ama atamyo kale oo haydarojiin ah. Ururku waa kooxda amayno.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

loollanka hubka

DHAFANDHAAF

m. n. arms race

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Ooogada carrada

DHAFANDHAAF

Topsoil

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xuddunta dhulka

DHAFANDHAAF

Center of the earth

waa la naqliyay ✓